DAL KU DAYASHO MUDAN, RIYO MIDHO DHAL AH IYO DADAAL DHEERI AH OO LA ISKU HALAYN KARO AYAYNU BARRI KU GAADHAYNAA

Waxaa Manta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay Tababarkii hogaaminta iyo xubnaha Iskaashiga iyo qoysaska xisbiga Barwaaqo ee kulliyada maraynta iyo adeega shacabka DDS ee mudada 2cisho uga socday Shaqaalaha kulliyada Maraynta & Adeega shacabka.
Hal-ku-dhegga tababarka ayaa ahaa:
“DAL KU DAYASHO MUDAN, RIYO MIDHO DHAL AH IYO DADAAL DHEERI AH OO LA ISKU HALAYN KARO AYAYNU BARRI KU GAADHAYNAA.”
Tababarkan oo ka socday labadii Maalmood ee ugu Danbeeyay Kuliyada hexdeeda Oo ayna hogaaminayeen Mareeye Ku-Xigeenka Kuliyada Xirsi Abdi Axmed iyo Gudoomiyaha Iskaashiga iyo Qoys-ka Xisbiga Barwaaqo Mohamed Khader Xaaji Xuseen
Waxayna intii uu socday Xubnaha Iskaashiga ku qaateen cashiro muhiim ah sida Jihooyinka Siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee Wadanku aadi doono 5-ta Sano ee soo socota iyo waliba Hiigsiga 2030 G.C, Sidoo kale sidii adeeg bixinta kor loo qaadi lahaa, iyada oo qorshe cadna Xisbiga Barwaaqo ka soo saaray sida bulshada adeeg deg-deg ah loo siin lahaa, maadama dawlada shaqadeeda ugu wayn ay bulshadu u hayso tahay in adeega bulshada la gaarsiiyo lana adkeeyo bad qabkeeda, iyadoo mar dhaw adeega hal goob deegaanka laga fulindoono, kaas oo shacabka si dhib yar ay uga heli karaan adeegyada muhiimka ah oo ay Xafiisyada uga baahan yiihiin.
Tababarka ayaa waxaa soo afmeeray Mareeye kuxigeenka kulliyada maraynta iyo adeega shacabka DDS Mudane: Xirsi Cabdi Axmed, Isla markaana uga mahad celiyey xubnaha iskashiga iyo qoysku xisbiga sida firfircoon ee ay uga qaybqateen doodaha iyo sualaha guriga kulana dardaarmay in la hirgaliyo jihooyinka laysla qaatay.
Tababarka kadib xubnaha Iskaashiga iyo Qoys-ka Xisbiga Barwaaqo Sektarka Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDS ayaa ka sameeyay dhir beeris Kuliyada Dhexdeeda(Green legacy)
Categories:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts :-